Mucaaradka o ku dhawaaqay in uu shirkii fashilmay

War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa looga hadlay sababihii keenay in ay burburaan wada hadallada ay maalmahan la lahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

Bayaanka Golaha ayaa waxaa ka muuqda in aan labada dhinac midna ka tanaasulin qoddobada la isku hayay oo ay ugu mudan yihiin arrimaha Doorashooyinka heer Federaal iyo Dowlad goboleed.

Golaha ayaa soo jeediyay in la qabto doorashada maamullada Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Golaha ayaa soo jeediyay ka hor 14 April oo ku eg muddada BFS la gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hanaanka doorashada baarlamaanka, jadwalka iyo maamulka doorashada.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed