Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Maxamuud Maxamed Ciise (Awoowe), ayaa goobjoog ka noqday dhaarinta Maxkamadda Sarre iyo Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus.
Madaxweynaha ayaa in ay si cadaalad ah u gutaan waajibaadka loo igmaday kula dardaarmay xubnaha cusub ee loo dhaariyay Maxkamadda Sarre iyo Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus.
* Waxaa xubnaha hoos ku xusan xubnaha Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus oo maanta la dhaariyay:-
1. G/Sare Maxamuud Cabdiqaadir Xasan Guddomiyaha Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland.
2. G/Sare Maxamed Faarax Maxamed Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
3. Dhamme Abshir Cabdi Jaamac Garsoore Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
4. Dhamme Cabdiqafaar Cabdirashiid Maxamuud Garsoore Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
5. Dhamme Maxamed Siciid Cali (Oday) Garsoore Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
6. Dhamme Cabdiqani Daahir Jaamac Garsoore Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
7. G/le Jaamac Xirsi Faarax Xeerilaaliyaha Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
8. L/X/le Maxamed Axmed Maxamed Kaaliye Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
* Xubnaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada, ee maanya la dhaariyay.
Waxaa xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
1. G/Dhexe Cabdixakiin Maxamed Siciid Guddomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Debiyada Culus ee Dowladda Puntland
2. G/le Jaaamc Siciid Maxamed Garsoore Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
3. Dhamme Cabdifataax Cabdi Daahir Garsoore Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
4. Dhamme Maxamed Cabdiraxmaan Yuusuf Garsoore Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
5. Dhamme Cabdirisaaq Siciid Cumar Garsoore Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
6. G/Dhexe Maxamed Xuseen Axmed Xeerilaaliyaha Maxkamada Darajada 1-aad d ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
7. L/X/le Faadumo Cabdulaahi Yuusuf Kaaliye Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
8. L/X/le Mukhtaar Cali Xuseen Kaaliye Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
* Munaasabadda waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, Taliyeyaasha Ciidanka Booliiska iyo Asluubta, La-taliyeyaal Madaxweyne, Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada iyo Saraakiil Madaxtooyo.

