Shir ay maanta yeesheen golaha wasiirada Puntland oo shir-guddoomiyay madaxweyne Deni ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan sharciyadda dowladda Federaalka iyo doorashada lagu muransan yahay.
Golaha wasiirada Puntland waxay ugu baaqeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in mudada bisha ah ee u hartay uu garowsado sidii heshiis loo dhanyahay loo gaari lahaa, si dalka ay uga dhacdo doorasho la isla wada ogolyahay.
Hadal qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Goluhu wuxuu ka hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan marxlada hubanti la’aanta ah ee dalku galay, kadib markii uu wakhtigii rasmiga ahaa ee Baarlamaanka Soomaaliya uu dhammaaday 14-kii April 2026, iyadoo uusan jirin wax-heshiis lagu yahay”.
“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha Soomaaliya ee wakhtigiisu dhammaanayo, in mudada bisha ah ee u hartay uu garowsado sidii heshiis loo dhanyahay loo gaari lahaa si dalka ay uga dhacdo Doorasho la isla wada ogolyahay” ayaa la raaciyay.

