Goorma ayey ciidamada ATMIS kabaxayaan dekeda iyo garoonka Muqdisho?

Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa shaacisay in dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ay noqon doonaan goobaha u dambeeya ee ciidanka ATMIS ay ka bixi doonaan.

Wasiirka Wasaaradda CabduLqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ka hadlayay qorshaha bixitaanka ciidanka ATMIS (ex-AMISOM) ayaa shaaciyay arrintaan, isaga oo sheegay in qorshaha bixitaanka uu u socdo sidii loogu tala-galay.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in dekedda weyn ee Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ay ku jiraan kuwa ugu muhiimsan ee ATMIS ay ciidankeennu kala wareegayaan, ayna yihiin qeybaha ugu dambeeya ee bixitaanka askarta shisheeye.

“Garoonka diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho waa goobaha ugu dambeeya ee ciidanka ATMIS ka baxayaan, qeybaha ugu dambeeya ee bixitaanka askartaan ayay ku jiraan. Dalka oo dhan amnigiisa ayaa lala wareegayaa micnaheedu waa in goob walba oo dalka kamid ah dowladda Soomaaliya iyo ciidankeeda ay ku filnaadaan weeyi,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mr Jaamac.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka ATMIS gebi ahaanba dalka isaga bixi doonaan dhamaadka sanadka cusub ee bilaabanaya ee 2024-ka, ayna kahor si tartiib-tartiib ah ciidamada Soomaalida ay ula wareegayaan goobaha ay ka baxaan kuwa howl-galka Midowga Afrika.

“Goob walba oo laga baxayo waa muhiim, dhulkeena Soomaaliyeed meelba meeshii kale waa ka muhiimsan yahay. Meel walba oo ATMIS ku harsan tahay waxaa la wareegi doona ciidamada Soomaaliya.”

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa maalmo kahor ciidanka ATMIS kala wareegay Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia, taasi oo ay maanta amnigeeda sugayaan ciidamada Soomaalida kadib 16 sano oo ay gacanta ku hayeen ciidamada shisheeye.

ATMIS ayaa horay u wareejisay xerooyin ciidan oo ay ku lahayd gobollada dalka, ayada oo ujeedka uu yahay inay si tartiib ah uga baxdo dalka, inta laga gaarayo dhamaadka 2024.

Dowladda Soomaaliya oo haatan waddo dadaal dheeraad ah ayaa qorsheyneysa inay sugato amnigeeda, sidoo kalena ay kala wareegto ciidamada howl-galka ATMIS.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku tallaabsatay horumar ballaaran, waxaana dhawaan laga qaaday cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd, taasi oo muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed