Golaha khubarada Iran oo soo saaray bayaan ku saabsan xiisadda Iran iyo Mareykanka

Golaha Khubarada ee Hoggaamiyaha Sare ee Iran ayaa soo saaray bayaan ka kooban 10 qodob, iyagoo ugu baaqay wafdiga Iran ee wada-hadallada inay ku dhegganaadaan waxa ay ku tilmaameen “khadadka cas” ee Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah, isla markaana ay ka saaraan arrinta xuquuqda nukliyeerka Iran ajandaha wada-hadallada.

Qayb kale oo ka mid ah bayaanka ayaa Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu loogu tilmaamay “dhiig-miirato”, waxaana loogu baaqay dadka awood u leh inay gaaraan inay dilaan.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dib loo furo Marinka Hormuz, iyadoo Israa’iil ay weli ku sugan tahay qaybo ka mid ah dhulka Lubnaan, ay tahay “xadgudub ka dhan ah ballanqaadyadii mas’uuliyiinta” iyo “khalad istaraatiiji ah.”

Golaha Khubarada ayaa sidoo kale ku baaqay in Iran ay sii haysato gacan ku haynta Marinka Hormuz, la siiyo magdhow, dib loogu soo celiyo hantida la xayiray, laga qaado cunaqabateynta, isla markaana ciidamada Maraykanka laga saaro gobolka.

Ugu dambayn, goluhu wuxuu ku baaqay in si degdeg ah looga jawaabo xadgudub kasta oo lagu sameeyo heshiiska is-afgaradka, wuxuuna ka digay in wada-hadallada aan la wiiqin ama la carqaladayn

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed