Xuutiyiinta oo Markab ganacsi ku gubay badda cas

Markab nooca shidaalka qaada ah ayaa ku gubanaya gacanka Cadmeed, sida ay sheegtay shirkadda gacanta ku haysa, kadib markii Xuutiyiinta ay sheegeen in ay gantaal ku dhufteen.

Dhaqdhaqaaqa Xutiyiinta ayaa sheegay in uu beegsaday markabka Marlin Luanda fiidnimadii Jimcaha.

Saraakiisha Mareykanka ayaa warbaahinta u sheegay in markabka uu haleelay gantaal kuwa ballistic-ga ah. Markab ay leeyihiin ciidamada badda Mareykankana ayaa la sheegay in ay usoo gurmaday markabka la weeraray.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inaysan jirin wax dhaawac ah oo la soo weriyay.

Waa weerarkii ugu dambeeyay ee ay xuutiyiinta ku qaadaan maraakiibta ganacsi ee maraya badda cas iyo agagaarkeeda.

Hawlgalka ganacsiga badda ee UK (UKMTO) ayaa sheegay in shilkan uu ka dhacay meel 60 mile koonfur-bari kaga beegan magaalada Cadan.

UKMTO waxay sheegtay in halkaas ay ku sugan yihiin maraakiib dagaal oo taageeraya kuwa ganacsiga, iyadoo intaas ku dartay in dhammaan shaqaalihii markabka la sheegay inay bad qabaan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed