Ugu yaraan 60 qof ayaa la xaqiijiyay in ay geeriyootay halka ay dhaawacmeen ku dhowaad 150 kale kaddib markii Rag hubaysan ay rasaas ku fureen Dadkaan oo ku sugnaa Shineemadaan ku taalla Degmada Crocus ee Galbeedka Moscow.
Sirdoonka iyo ciidamada dabagalka ku sameeya dambiyada caynkaan oo kale ah ee Ruushka ayaa billaabay raad-raaca Ragga weerarkaas fuliyay si loosoo qabto isla markaana Maxkamad loo soo taago sida ay sheegeen saraakiil la hadashay Warbaahinta.
Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan, waxa ay kooxdu ku faantay in ay uga aargudanaysay dhibaatooyin Ruushka uu horay ugu gaystay, fariintooda ayay sii daba-dhigtay hanjabaad kale oo ah in ay qaadayso tallaab kale haddii Moscow ay jawaab bixiso.
Aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremilin ayaa sheegay in warkaan ku saabsan weerarka la gaarsiiyay madaxweyne Vladimir Putin iyo madaxa ciidanka ammaanka federaalka Alexander Bortnikov oo laga sugayo go’aanka ku habboon tallaabadaan.
Ruushka ayaa aaminsan in dhinacyo badan oo qaarkood gabbaadsanaya waddamada reer Galbeedka ah in ay fulinayaan weerarro ka dhan ah danaha Dalkaas balse Xukuumadda Moscow ay ka feejigan tahay weeraradaas.