Koox hubeysan ayaa xalay weeraray hoyga uu ka degan yahay magaalada Gaalkacyo, Wasiir kuxigeenkii hore ee Amniga Puntland Cabdullaahi Cabdisalaan Xassan. Weerarka ayaa ahaa mid loo adeegsadday Bumbo-gacmeed.
Sidda ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, kooxdii weerarka fulisay ayaa ka baxsaday goobta. Mid kamid ah ehellada qoyska ayaa dhaawac kasoo gaaray weerarka.
Booliska Gaalkacyo ayaa sheegay in weerarkan uu ka badbaaday Wasiir kuxigeenkii hore ee Amniga Puntland, maadama uu ka maqnaa hoygiisa xilliga weerarku dhacayay. Booliska ayaa intaa ku daray in ay wadaan baaritaan dheeri ah ayna ku dabajiraan kooxdii weerartay hoyga Wasiirka.