Waa kuma hogaamiyaha la wareegay hogaanka dalka Iraan ?

Kadib markii la xaqiijiyay warka ku saabsan geerida Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed, Mohammad Mokhbar Dezfuli, ku xigeenkiisii koowaad ayaa la wareegaya xafiiska madaxweynaha dalka, isaga oo sii hayn doona mas’uuliyadda madaxtinimo ilaa inta ay ka dhacayso doorashada.

Waxa uu xilkaan hayn doonaa muddo laba bilood ah, sida uu qabo dastuurka Iran. Doorashada madaxtinimo ee Iran ayaa la qaban doonaa 50ka maalmood ee soo socda.

Sida ku cad qodobka 131-aad ee dastuurka jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iiraan, haddii uu geeriyoodo madaxwaynuha dalka, ku xigeenkiisa koowaad “isagoo ogolaansho ka helaya hogaanka sare”, waxa uu la wareegayaa awoodda iyo masuuliyada madaxweynaha.

Gudoomiyaha golaha wakiilada iyo Madaxa Garsoorka iyo Madaxweyne ku xigeenka koowaad waxa ku waajib ah inay diyaariyaan Madaxweyne cusub oo lagu soo dooranayo ugu badnaan konton maalmood gudahood”.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed