Ku dhawaaqista heshiis lagu soo afjarayo colaadda u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan waxay siisay Donald Trump haddiyad dhalasho oo aad loogu riyaaqay – inkastoo ay ku duuban tahay qaddar weyn oo hubanti la’aan ah.
Qoraal uu ku daabacay baraha bulshada si uu ugu dhawaaqo heshiiska, madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in Marinka Hormuz uu u furnaan doono maraakiibta ganacsiga, isla markaana Maraykanku qaadi doono xannibaaddii ciidammadiisa badda.
“Ha socdo qulqulka shidaalku!” ayuu Trump ku dhawaaqay Axaddii.
Wuxuu sidoo kale sheegay in, si ka duwan guuldarrooyinkii madaxweynayaashii hore ee Maraykanka, uu isagu gaaray “heshiis weyn” oo keeni doona “nabad iyo amni gobolka oo dhan ah.”
Buunbuuninta noocaas ahi ma aha wax ku cusub Trump, dabcan. Hadalladiisii ku saabsanaa heshiiskii sannadkii hore lagu soo afjaray dagaalkii Qaza – isagoo ku tilmaamay “nabad waarta oo aan dhammaanayn” iyo “billowga xilli iimaan, rajo iyo Ilaah” – waxay ahaayeen kuwo si la mid ah loo buunbuuniyay, inkastoo xaqiiqada dhulka ka jirta ay aad uga fogaatay ballanqaadyadaas.
Heshiisyada diblomaasiyadeed ee heerkan sare ah, guusha ama fashilka badanaa waxay ku xiran yihiin faahfaahinta. Hase yeeshee, halkan faahfaahinta aad bay u yar tahay.
Wareysi uu fiidnimadii Axadda siiyay Fox News, Madaxweyne Ku-xigeenka JD Vance ayaa sheegay in heshiiskan uu si cad u dammaanad qaadayo in Iiraan aysan waligeed yeelan doonin hub nukliyeer ah, isla markaana Maraykanku awood u yeelan doono inuu xaqiijiyo in heshiiska la fulinayo.
Si kastaba ha ahaatee, su’aalo badan ayaa weli ka taagan arrimo muhiim ah, oo ay ku jiraan xaddidaadaha lagu soo rogi doono kobcinta yuraaniyamka iyo waxa laga yeeli doono kaydka yuraaniyamka aadka loo kobciyay ee ay Iiraan hadda haysato.

