Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhawaan digniin u diray Israa’iil isagoo ku qoray bartiisa bulshada ee Truth. Wuxuu sheegay in aanay qaadin duqeyn.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa qoaraalkiisa ku yiri : “Israa’iil. Ha sameynin duqeyn, haddii aad samaysid waa xad-gudub weyn. SOO CELI DUULIYAASHAADA HADDA!”
Digniintan ayaa daba socota xabbad joojin ay ku heshiiyeen Iran iyo Israa’iil, taasoo dhaqangashay subaxnimadii hore ee maanta. Heshiiska waxaa garwadeen ka ahaa Mareykanka iyo Qatar.