Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa diiday qorshe ay Israa’iil ku doonayso in ay ku disho Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iiraan Aayatollah Cali Khamenei, sida ay CBS News oo BBC-da gacan-saar le leh ay u sheegeen saddex sarkaal oo Maraykan ah.
Trump ayaa la sheegay in uu ku waaniyay raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in dilka Khamenei aanu ahayn “fikrad wanaagsan”, sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiishaasi.
Wadahadalka ayaa la sheegay in uu dhacay kaddib markii Israa’iil ay weerar ku qaadday Iiraan, maalintii Jimciha.
Intii lagu guda jiray wareysi uu siiyay Fox News, Netanyahu ayaan si toos ah u xaqiijin ama beenin warbixin ay daabacday Reuters oo ahayd in Trump uu diiday qorshaha lagu khaarajinayo Aayatullah.
“Waxaa jira warar badan oo been abuur ah oo ka warramaya wada hadallo aan waligood dhicin, mana geli doono taas,” ayuu yidhi raysalwasaaraha Israa’iil.