Trump iyo Putin oo ku kulmi doona Sacuudiga

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Arbacadii uu kulan dhanka teleefoonka la yeeshay Vladimir Putin. Wicitaanka oo muddo “dheer qaatay” ayaa la sheegay inuu ahaa mid wax ku ool ah” kaas oo madaxdu ay ku heshiiyeen in ay bilaabaan wada xaajoodyo lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ayuu Trump ku sheegay in isaga iyo madaxweynaha Ruushka ay “ku heshiiyeen in ay si degdeg ah u bilaabaan wada xaajoodyada” uuna midba midka kale ku casuumo inuu booqdo caasimaddooda.

Ka dib, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu sheegay inuu kala hadlay Trump “nabad waarta oo la isku halayn karo”.

Baaqyada dhinacyada is haya ayaa yimid iyadoo Trump iyo xoghayihiisa gaashaandhigga ay labaduba sheegeen inaysan u badneyn in Ukraine ay ku biirto Nato, taasoo niyad jab weyn ku noqon doonta Kyiv.

Trump ayaa baraha bulshada ku soo qoray: “Waxaa la joogaa waqtigii la joojin lahaa dagaalkan qosolka leh, oo aan loo baahnayn inuu dhaco sababana dhimasho iyo burbur. Ilaah ha barakeeyo dadka Ruushka iyo Ukraine!”

Ma uusan cayimin wakhti uu kulan fool ka fool ah la yeelanayo Putin, balse markii dambe waxa uu saxafiyiinta kula hadlay Aqalka Cad: “Waxaan ku kulmi doonnaa Sacuudiga”, ayuu u sheegay.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Putin uu taageeray fikradda Trump ee ah in la gaaray waqtigii la wada shaqeyn lahaa.

Wadahadalka taleefoonka ee dhexmaray Putin iyo Trump ayaa qaatay ku dhawaad saacad iyo bar, iyadoo madaxweynaha Ruushka uu u fidiyay casuumaad uu ku tagayo Moscow, ayuu yiri Peskov.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed