Tartanka ciyaaraha Maamulada iyo gobolka Banaadir oo war laga soo saaray

Tartanka ciyaaraha Maamulad dalka iyo gobolka Banaadir ayaa maalinta berito ah dib uga bilaabanaya garoonka Kubadda Cagta Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in tartanka uu dib u bilaaban doono, kadib hakad uu tartanka ku jiray mudo todoboaad ka badan taas oo sabab u ahayd maamulka Koonfur-galbeed oo ka baxay koobka dibna ugu laabtay magaalada Baydhabo.

Kulan ay yeesheen guddiga fulinta xiriirka kubadda Cagta ee Soomaaliya iyo ururrada kubadda cagta ee maamul goboleedyada ayaa lagu go’aamiyay in dib loo amba qaado tartanka berito.

Hirshabeelle ayaa beri xaadiri doonta garoonka si saddex dhibcood looga siiyo xulkii Koonfur galbeed oo aan meeshaba joogin maadaama ay iyaga la ciyaari lahaayeen, laguna guul dareystay in dib loogu soo celiyo tartanka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed