Xukuumadda Sudan ayaa camabaareysay Uganda inay marti gelisay hogaamiyaha kooxda RSF ee dagaalaka kula jirta ciidanka dawlaadda Sudan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in Uganda ay ku da gudubtay shuruucda caalamiga, ayadoo soo dhoweysay taliyaha RSF Maxamed Xamdaan Dagalo, oo dagaalyahannadiisa lagu eedeeyo inay gaysteen xadgudubyo bani aadmininada ka dhan ah intii uu socday dagaalka sokeeye.
Jimcihii ayuu madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni sheegay inuu kulan la qaatay Dagalo.
Museveni, oo uu Midowga Afrika u magacaabay dhexdhexaadinta millatariga Suudaan iyo RSF, ayaa sheegay inuu ku nuuxnuuxsaday “xal siyaasadeed oo nabadeed”.
Uganda kama jawaabin eedeynta uga timid Sudan.

