Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sudan ayaa cambaareysay tallaabada dowladda Kenya ay ku martigelisay saxiixa heshiis siyaasadeed oo ay la galeen hoggaanka ciidamada RSF, kuwaas oo Sudan ku eedeysay inay mas’uul ka yihiin xasuuq iyo dhibaatooyin ka dhan ah shacabka Sudan. Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in Kenya ay jebisay qodobo ka mid ah xeerarka caalamiga ah, Dastuurka Midowga Afrika, iyo heshiisyo kale oo caalami ah, iyada oo u ogolaatay RSF inay ku qabsato shir siyaasadeed gudaha dhulkeeda. Sudan waxay Kenya ku eedeysay inay taageereyso burburinta qarannimada iyo kala qeybsanaanta dalalka Afrika, taasoo dhaawaceysa madax-bannaanida Sudan.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in Kenya ay martigelisay hoggaamiyeyaasha RSF, kuwaas oo lagu eedeeyay inay sii wadaan xasuuq iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan dilal, kufsi, iyo weerarro ka dhan ah xeryaha barakacayaasha. Dowladda Sudan waxay sheegtay in tallaabadan ay la macno tahay in Kenya ay si dadban ugu lug leedahay dambiyada lagu eedeeyay RSF. Sidoo kale, Sudan waxay sheegtay in Kenya ay jebisay ballamo ay horay u sameysay oo la xiriiray xasilloonida gobolka, taasoo keeni karta xiisado sii kordha.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sudan waxay sheegtay in arrintan aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin howlgalka ciidamada Sudan ee dagaalka kula jira RSF iyo xulafadooda. Waxa ay xustay in ciidamada Sudan ay ka go’an tahay inay xorayso dhammaan dhulka ay hayaan RSF iyo dagaalyahannadooda shisheeye. Sidoo kale, Sudan waxay beesha caalamka ugu baaqday inay cambaareyso tallaabada Kenya, iyada oo ku adkeysatay in ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u difaacdo madaxbannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.