Maraykanka & Israa’iil oo qorsheeyay duullaan culus oo ka dhan ah Iiraan

Sida lagu muujiyay xogo laga helay Maraykanka iyo Israa’iil, Donald Trump & Benjamin Netanyahu ayaa dejiyay qorshe lagu fulinayo duullaan ka dhan ah Dowladda Iiraan si loo beegsado goobo gaar ah sida hadalka loo dhigay.

Xogtaan waxaa bannaanka soo dhigtay qaar kamid ah Warbaahinta Maraykanka sida Wargayska Caanka ah ee New York Times oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda ama mucaaradsan maamulka Madaxweyne Donald Trump.

Wargayska oo soo xiganaya ilo sirdoon iyo saraakiil uusan sheegin waxa uu tilmaamay in la diyaariyay qorshahaan oo ka duwan kana ballaaran duullaankii hore ee Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Ma sheegin waqtiga la fulinayo weerarkaas, Dalalka kale ee qaybta ka noqonaya iyo haddii markale la isku dayayo in duullaan dhinaca dhulka ah lagu daro maadaama qorshahaas uu dhowr jeer horay u fashilmay sida hadalka loo dhigay.

Iiraan ayaa dhawaan sheegtay in ay diyaar u tahay ka falcelinta duullaanka uga imaanaya Maraykanka iyo Israa’iil oo kaashanaya Dalal kooban oo ay ku jiraan kuwa khaliijka, Tehran ayaa intaas ku dartay in aanay marnaba ku hurdin kalsooni ay ku qabto Washington.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed