Somaliland ” DFS awood uma lahan burburinta Hishiisyada ……”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.r Ciise Kayd Maxamuud oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegayin in dowlada federaalku anay awood u lahayn in ay hor istaagto heshiisyada ay Soomaliland gasho.

“Xukuumada Villa Soomaaliya oo maalmihii dhawayd meelwalba ordaysay adduunyada oo sheegaysay in ay leedahay Somaliland, waxaynu ognahay in anay kari karin ay gobolka Banaadir ay maamusho, sidaa darteed Xasan Sheekh Kama hadli karo, Somaliland iyo xidhiidhada ay caalamka la galayso” ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland ay sannadkan dadaal badan ku bixisay aqoonsi raadinta, waxa uu sheegay in ay garaaci doonaan albaab kasta oo Somaliland ay dani ugu jirto, isla markaana anay u joojin doonin cadaadiskasta iyo cidkasta oo kasoo horjeedsata.

Isfahamka heshiiska Somaliland iyo Itoobiya oo qalinka lagu duugay 1, bishan, ayaa aad uga cadhaysiiyay dowlada Soomaaliya, iyada oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Itoobiya ku tilmaamay cadaw doonayo in uu burburiyo midnimada dhileed ee Soomaaliya.

Itoobiya ayaa dhankeeda sheegtay in heshiiskani aanu waxba ka duwanayn heshiiskii uu Imaaraatku ku maalgaliyay dekeda Berbera, isla markaana aanu cidna u gaysanayn waxyeelo.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed