Shil Bas oo ka dhacay Bolivia oo Sababay Khasaare Badan

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay shil bas oo ka dhacay waddo buuraley ah oo ku taalla Bolivia, sida ay boolisku sheegeen.

Gaadhiga ayaa ku dhacay tog qiyaastii 800 mitir qoto dheer ah, xilli uu marayey deegaanka Yocalla ee koonfur-galbeed dalkaas, sida uu sheegay sarkaal boolis ah.

Intaasi waxaa dheer, 14 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay, oo ay ku jiraan afar carruur ah, sida uu shaaciyey mas’uul ka tirsan isbitaal maxalli ah.

Bolivia waxaa caan ku ah waddooyinkeeda halista badan, gaar ahaan kuwa mara dhulka buuraleyda ah.

Shilka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Potosí iyo Oruro, sida ay boolisku xaqiijiyeen.

Sida ay saraakiishu sheegeen, shilka waxaa sababay xawaare xad-dhaaf ah oo uu busku ku socday, taasoo keentay in darawalku uusan xakameyn kari wayay  baska, sida uu sheegay Col. Victor Benavides oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Shilkan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kii ugu dhimashada badnaa ee sannadkan ka dhaca dalka Bolivia.

Warbaahinta maxalliga ah ee Unitel ayaa soo warisay in dhowr ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu halis tahay.

Shilalka waddooyinka ayaa aad ugu badan Bolivia.

Bishii hore, 19 qof ayaa ku dhintay shil kale oo bas, oo ka dhacay isla nawaaxiga Potosí.

Xogta dowladda ayaa muujineysa in celcelis ahaan 1,400 qof ay sannad kasta ku dhintaan shilalka waddooyinka ee dalka Bolivia oo ay ku nool yihiin qiyaastii 12 milyan oo qof.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed