Sacuudiga oo mud ka dib Safiir u magacawday Suuriya.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo muddooyinkii dambe dib usoo celinaysay cilaaqaadka go’ay ee kala dhaxeeyay Jamhuuriyadda Suuriya ayaa qaadday tallaabooyin ay ku xoojinayso ka rumaynta qorshaha xoojinta xiriirka Dimishiq & Riyaad.

Dowladda Sacuudiga ayaa Danjire Faysal Al-Mujfiil u magacaabatay in uu noqdo Safiirka u fadhinaya Dalka Suuriya si uu uga shaqeeyo dib usoo celinta xiriirka labada Dowladood oo go’ay 12 sano kahor waa laga soo billaabo sanadkii 2012.

 

Sacuudiga ayaa kamid ah Dalalka ku dhiirrageliyay Suuriya in ay dib ugu laabato Ururka Jaamacadda Carabta sanadkii hore 2023ka waxaana xigay booqasho mas’uuliyiin katirsan boqortooyada oo tagay Magaalada Dimishiq.

 

Danjiraha cusub Sacuudiga ee u fadhiya Suuriya ayaa sheegay in uu dedaal xooggan gelinayo sidii uu uga shaqayn lahaa isku xirka Danaha Xukuumadaha Riyaad iyo Dimishiq oo haatan si tartiib-tartiib ah dib ugu soo laabanaya.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sanadihii u dambeeyay qaadaysay tallooyin ka dhan ah Maraykanka sida in ay xiriir la samaysayo Suuriya, Shiinaha, Ruushka & Dalal kale oo kahor maamulka Madaxweyne Biden ka caaganaa Dalkaas.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed