RW Xamse oo la kulmay Madaxa Hay’adda Horumarinta Kuuriyada Koofureed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Seoul waxa uu kulan gaar ah kula qaatay Madaxa Hay’adda Horumarinta u qaabilsan Koofurta Kuuriyada CHANGE Won Sam oo ay kawada hadleen dardargelinta garab istaagga Hay’addaas dhanka Soomaaliya.

Xamsa ayaa Warbixin dhammaystiran waxa uu Madaxa Hay’adda Horumarinta Koofurta Kuuriya la wadaagay xaaladda Soomaaliya sida isbaddelka dhaqaalaha, horumarinta xirdadaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay 40ka sano & dedaallada Xukuumaddiisa ku howlan tahay.

Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in in ka badan 70% Dadka Soomaaliyeed ay yihiin Dhallinyaro oo da’doodu ka hooseyso 40 sano sidaas awgeed ay u baahan yihiin in lagu garab istaago waxyaabaha lagama-maarmaanka ah ee ay u bahaan yihiin.

Madaxweynaha Hay’adda Horumarinta Kuuriyada Koofureed ee loosoo gaabiyo (KOICA) waa ninka lagu magacaabo CHANGE Won Sam ayaa dhankiisa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayaan dhinacyada ay ka caawin karaan sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre waxa uu kamid ahaa Madaxda Afrika ee lagu casuumay shirkii Koofurta Kuuriya & Afrika waxaana uu kulamo gaar gaar ah la qaatay mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Seoul oo ay diiradda saareen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada Dal.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed