DFS oo Gudi Qaran u magacawday dagaalada Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddiga Qaran kaas oo ka shaqeyn doono Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Xubnaha Guddiga Taakulaynta Dagaalka ayaa ka kooban 7-xubnood oo isugu jiro qaar kamid ah wasiirro ka tirsan golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale,  guddigaan ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdisalaan Cabdi Cali.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay magacabeyso guddi ka shaqeynaayo hawlagallada dagaal ee dalka ka socda, iyaga oo ka shaqeyn doona taakuleynta dagaalladaas uu dalka dagaal kula jiro Al-shabaab iyo Daacish.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed