Jubbaland oo hawlgallo ka dhan ah AS ka wado deegaannada Janaa Cabdalle iyo Afmadow

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa toddobaadkan wado hawlgallo lagu sugaayo amniga iyo dib u hagaajinta waddada isku xirta Janaa Cabdalle iyo Afmadow.

Howlgalkan ay wadaan ciidamada ayaa ah kuwa ka dhan ah Al-shabaab, si loo xaqiijiyo badqabka dadka iyo gaadiidka isticmaala waddadaas, iyada oo la xoojinayo nabadgelyada waddaas.

Sidoo kale, hawlgalladaan ayaa qeyb ka ah fududeynta isku socodka shacabka, taas oo muhiim u ah ganacsiga iyo nolol maalmeedka bulshada deegaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay wadday hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab, iyaga oo ka wada deegaannada ay ku suganyihiin AS.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed