RW Xamse oo bogaadiyay ansixinta waxkabadalka dastuurka Soomaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku boggaadiyey Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ansixinta wax-ka-beddelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Baarlamaanka Jamhuuriyadda gudahada waajibaad kooda Qaran, isaga oo sidoo kale boggaadiyey labada guddi ee Dastuurka, kuwaas oo juhdi badan geliyey sidii dalku u yeelan lahaa dastuur dhammeystiran.

Ra’iisal Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in ansixinta wax-ka-beddelka afarta cutub ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay mid dan u ah qof kasta oo Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabadan taariikhiga ah ay qeyb ka tahay fulinta ballan-qaadyada Xukuumadda ee la xiriiray dhammeystirka Dastuurka, si talada dib loogu celiyo dadka Soomaaliya oo ay u soo doortaan hoggaankooda.

Xukuumadda DanQaran ayaa muddo gaaban ku xaqiijisay guulo waaweyn oo wax badan ku soo kordhinaya hannaanka Dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid yihiin, Deyn Cafinta, Qaadista Cunaqabateynta Hubka, Dagaalka lagu ciribtirayo Alshabaab , Ku Biirista Suuqa Bariga Afrika, xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo tallaabada maanta lagu ansixiyey wax-ka-beddelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka  ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed