Ra’iisul Wasaarah Itoobiya Abiy Ahmed ayaa barqonimadii maanta gaaray Magaalada Jigjiga Xarunta Dowlad-Deegaanka Soomaalida, waxaa wafdigiisa soo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Deegaankaas oo uu kulamo la qaadan doonno.
Abiy Ahmed waxaa la socda Wasiirro katirsan Xukuumaddiisa, waxaa sare loo qaaday amniga Magaalada Jigjiga, waxaa isla maanta lagu wadaa in uu ka billowdo kulamo ilaa haatan aan si rasmi ah loo shaacin waxa looga hadlayo.
Shalay waxa uu Xarriga ka jaray Mashruuca Waraabka ee Godey oo dayactir iyo ballaarin lagu sameeyay, waxaana ku baxay lacag dhan ah 3 Bilyan oo ah lacagta Dalka Itoobiya laga isticmaalo sida uu sheegay Madaxweyne Mustafa Muxumed Cagjar.
Abiy Ahmed ayaa safarkiisa ku batay Dowlad-Deegaanka Soomaalida sanadihii lasoo dhaafay, dad badan ayaa sababta keentay arrintaas ku sheegay in aanay jirin socdaal kale uu ku tagi karo ismaamullada dagaalka kala soo horjeeda Xukuumaddiisa.
Dadka Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa kumanaan su’aalo dusha ka saaray sababta keentay in ay ka haraan Ismaamullada kale ee Itoobiya oo mashaariic muuqda ay ka fulisay Dowladda Dhexe ee Federaalka.