Riyaad oo laga furay tukaan lagu iibiyo Khamriga

Dowlada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay magaalada Riyaad laga furi doono dukaan lagu iibiyo khamriga oo ay ka iibinayaan koox la soo xulay oo aan Muslimiin ahayn.

Macmiilka ama qofka iibsanaya waxa ay ku koobnaan doonaan oo keliya shaqaalaha dublamaasiyadda, kuwaas oo sannado badan isticmaalayay xidhmooyin khamri ah oo tiimbareysan oo loo yaqaanno boorsooyinka diblomaasiyiinta.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in dukaankan khamriga uu ka hortagi doono “ka ganacsiga sharci darrada ah ee khamriga”.

Khamriga ayaa waxaa la mamnuucay 1952, ka dib markii mid ka mid ah wiilasha Boqor Cabdulcasiis, Mishari bin Abdulaziz Al-Sucuud oo sakhraan uu toogtay diblumaasi British ah oo la oran jiray Cyril Ousman, oo ahaa qunsul ku xigeenkii Ingiriiska ee Jeddah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed