Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in la geliyay baaritaanno dhanka garsoorka ah oo ku saabsan sida la yaabka leheed ee Talyaanigu u sii daayay muwaadin Liibiyaan ah oo loo raadinayay dambiyo dagaal oo uu gaystay kaasi oo ay doondooneysay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC.
Farriin muuqaal ah oo lagu faafiyay baraha bulshada Talaadadii, Meloni waxa ay ku sheegtay in ay dacwad oogayaashu uga shakiyeen in caawin dhaqaale ay ka gaystay sii deynta ninkaan.
Osama Najim oo sidoo kale loo yaqaan Almasri – waa madaxa booliiska garsoorka Liibiya iyo agaasimaha xarun xabsi oo ku taal Mitiga, oo u dhow Tripoli.
Mr Najim waxaa lagu xiray Talyaaniga 21-kii Janaayo waxaana si lama filaan ah loo sii daayay maalmo ka dib “sababo farsamo oo sharci ah awgeed”, wasaaradda arrimaha gudaha Talyaaniga ayaa sidaa sheegtay.