Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya uu wajahayo khatar ah inuu kala go’o, oo inta badan uu cadowga qaato inkastoo si rasmi ah uusan u qeexan nooca cadowga iyo dhibaatada dalka uu marayo.
Ra’iisul wasaaraha ayaa tusaale usoo qaatay in wixii ka dambeeyay dagaaalkii 2aad ee dunida ay jireen heshiisyo iyo qawaaniin Dowladaha kala xadeeynaysay balse aysan hadda jirin wax faraha kujira isagoo ku tilmaamay arintaasi wixii ka dhacay magaalada Gaza oo Israel shacab badan ay ku gumaaday.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya ay xuduudihiisa iska furan yahay oo mar walba qarka u saaran yihiin in lala wareego balse waxa uu muujiyay in Soomaaliya laga xishooday oo aysan fare wax ugu jirin.
Nugeylka Dowladnimada Soomaaliya ayuu Xamse Cabdi Barre ku tilmaamay mid aan lahayn daah furnaan sidoo kalena leh musuq maasuq ay keentay tabar yarida Hay’adda Dowladda.
Ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in adeeg fiican aysan bixin Dowladda Soomaaliya sida Caafimaadka, amaanka iyo Waxbarashada, hadii ay bixisana aysan ahayn wax buuran oo Shacabka gaaraya.