QM oo Soomaaliya siinaysa $10 Milyan oo lagu bixinayo Gargaar degdeg ah

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ugu deeqday $10 Milyan oo degdeg ah si looga hortago xaaladda cunno la’aanta ah si loo badbaadiyo qoysaska u nugul dhibaatooyinkaas sida lagu sheegay war kasoo baxay Jimciyadda Quruumaha ku midoobay.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in haatan 6 Milyan oo qof oo ay ku jiraan 1.9 Milyan ay u baahan yihiin kaalmo degdeg ah kuwaas wajahaya xaalad cunno la’aan ah oo haddii aan la garab qaban xaaladdoodu sii adkaan karto sida hadalka loo dhigay.

U qaabilsanaha Qaramada Midoobay ee Gargaarka Bani aadamnimo ee Soomaaliya, Tom Fletcher ayaa sheegay in tallaabadaan ay tahay mid albaabada u furaysa caawinta Malaayiin ruux oo ku dhibaataysan Geeska Afrika.

Waxyaabaha ugu darran ee Dadkaan la caawinayo u baahan yihiin waxa uu Tom Fletcher ku sheegay in ugu horrayn naf badbaadin ay rabaan dadkaas sida Cunno, Nafaqo, Caafimaad iyo Biyo badqabkooda la hubiyay oo si joogta ah loo siiyo.

Wufuud ka kala socotay Hay’ado hoostaga Qaramada Midoobay ayaa horay u booqday qaar kamid ah Xeryaha Barakacayaasha iyo deegaannada ay saamaynta taban ku reebeen Abaaraha, waxaana ay codsadeen in lacag la siiyo si ay dadkaas ugu caawiyaan.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed