Qaraxyadii ka dhacay Boosaso oo war laga soo saaray

Guddiga horumarinta amniga gobolka Bari oo shir deg deg ah ka yeeshay xaaladda amni ee Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in la bilaabayo hawlgal ciidan oo lagu xasilinayo amniga kadib falal amni-darro oo muddooyinkii danbe ka dhacayay Boosaaso.

Mas’uuliyiin ka tirsan guddiga amniga iyo saraakiisha Booliska gobolka Bari oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabanayo xaaladda amni ee Boosaaso waxaana ay shacabka ugu baaqeen in ay la shaqeeyaan ciidamada hawlgalka fulinaya.

Guddiga ayaa sidoo kale soo saaray awaamiir lagu xaqiijinayo amniga Boosaaso oo ay ku jirto in aysan cidna hub ku dhex qaadan karin magaalada islamarkaana aan la ogolayn gaadiidka taariko la’aanta ah.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xili habeenadii ugu danbeeyay aya falal amni-darro ay ka dhacayeen magaalada kuwaas oo ay ku jiraan xarumo ganacsi oo la weeraray.

 

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed