Puntland : Bacmadowda oo go’aan adag laga soo saaray

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku dhawaaqay go’aan  lagu mamnuucayo in la geeyo bacaha isaga oo Hay’adaha ku shaqada leh faray in ay dhaqangeliyaan go’aankaan.

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland ayaa intaas kusii daray in aanay Dekedda Magaalada Boosaaso kasoo degi Karin Bacaha sidaas oo kale aanay la gelin Karin oo ciddii samaysay arrintaas laga qaado tallaab sharci ah.

“Arrinta ku saabsan Bacaha, waxaa igu maqaal ah in Dekedda Boosaaso qayb kamid ah ay kasoo degaan Bacaha, Waxa aan Wasaaradda Maaliyadda DG Puntland farayaa in laga billaabo maanta wax bac ah oo kasoo degi karo ma jiro” MW DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Digniin ayuu u diray Madaxweyne Siciid Deni Dadka ka ganacsada waxaana uu ciidamada ammaanka & Hay’adaha kale ee howshoodu tahay uu faray in ay qaadaan tallaabooyin adag oo looga hortagayo halista bacaha.

Waa uu sii hadlay waxaana uu yiri: “Sidoo kale Bacaha kasoo gala deegaannada xuduudaha ah ee Dowlad-Goboleedka Puntland ee sida tahriibta ah lagu soo geliyo waa kontorobaan u baahan in tallaab laga qaado oo ciidanka Booliiskana ka howlgalaan”.

5ta Juun waa maalinta loo asteeyay “Maalinta Deegaanka Adduunka” waxaana la qabtaa munaasabado intooda badan lagu soo bandhigo dhibaatooyinka dhinaca deegaanka ka jira iyo waxyaabaha u baahan in la sameeyo si looga hortago halista jirta ama la saadaalinayo.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed