NISA oo soo bandhigtay walxaha qarxa & Nin ay ku qabatay.

Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa war kooban oo ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in ay kusoo qabatay qarax lagu diyaariyay boorso iyo Sawirka Nin waday sida lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Hay’addaas.

NISA ayaa tilmaamtay in howlgal ka dhacay Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir lagu soo qabtay Ninkaan ay soo bandhigtay Hay’addu & Boorsada nooca yar balse uu ku waday walxahaan qaraxa sameeya.

 

“Ciidanka NISA ayaa Fashiliyay Boorso lagu soo qaaday waxyaabaha Qarxa kaasi oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Degmada Cabdicasiis ee gobalka Banaadir. Ciidanka NISA ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Ninkii waday Boorsada ay ku jireen waxyaabaha Qarxa” sidaasi waxaa yiri war kooban oo Dowladda kasoo baxay.

 

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo Amniga Magaalada Muqdisho, waxa ay samaysteen goobo badan oo lagu hubinayo Gaadiidka iyo Dadka la socda.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed