Netanyahu oo diiday war ka soo baxay Xamaas

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday shuruudaha xabbad-joojinta ee Xamaas – isagoo sheegay “guusha guud” ee Qasa in ay suurtagal tahay bilo gudahood.

Waxa uu hadlayay ka dib markii Xamaas ay soo bandhigtay dalabaadyo isdaba joog ah oo ay kaga jawaabayeen hindise xabbad-joojin ah oo ay taageerto Israa’iil.

Waxa uu sheegay in wada xaajoodka ay la leeyihiin kooxda “aanay meelna u socon” wuxuuna shuruudahooda ku tilmaamay kuwo la yaab leh.

Wadahadallada u dhexeeya wada-xaajoodayaasha ayaa sii socda.

“Ma jiro xal kale oo aan ahayn guul dhameystiran oo kama dambays ah,” ayuu Netanyahu ku sheegay shir jaraa’id Arbacadii.

“Haddii Xamaas ay ku badbaadi doonto Qasa, su’aashu waa uun goorma xasuuqa xigaayi.”

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegtay in hadalka Netanyahu ee ku aaddan hindisaha xabbad-joojinta ay muujinayso in uu doonayo inuu sii wado colaadda gobolka.

Xamaas waxay diyaar u tahay in ay wax ka qabato dhammaan fursadaha, ayuu yiri sarkaalka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed