MW Muuse Biixi” DFS ayaa looga fadhiyaa dilka Cabdinaasir Dahable”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa boqollaal qof kala qaybgalay salaadda janaasada iyo aaska maydka marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo saaka lagu aasay xabaal ku taala magaalada Gabiley, oo ah halkii uu ku dhashay Cabdinaasir.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay munaasabadda aaska ayaa sheegay in Dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay waydiinayaan sababta loo dilay Cabdinaasir Dahable.

“Dawladda Xasan Sheekh waxaan ka dooneynaa, ninkani muxuu muteystay, maxaa loo dilay, taas oo jawaabteeda la helo mooyaane, haddii la waayana, waxay ila tahay waa bareer” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Dad kii ka qaybgalay aaska ayaa marxuumka Rabbi uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehel kii iyo saaxiibbadii uu ka tagayna uu samir ka siiyo.

Sida uu sheegay Agaasimaha Isbitaalka Hargeysa Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan maydka marxuumka waxay ku sameeyeen baaris qaadatay muddo 48 saacadood ah, isla markaana waxay ku ogaadeen in Cabdinaasir lagu ceejiyay xarig dhumucdiisu wayn tahay muddo shan iyo illaa todobo daqiiqo ah, taasina ay keentay geeridiisa.

Cabdinaasir Muuse Dahable oo ahaa sarkaal ka tirsan Hay’adda Duulimaadyada Rayidka Soomaaliya ayaa maydkiisa laga helay gurigii uu ka deganaa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho todobaadkii hore, waxayna booliska Soomaaliya sheegeen in dhawr qof loo xiray tuhunka la xiriirra ciddii ka dambeysa dilkiisa.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed