MW Faransiiska oo ka hadlay qadiyada Falastiin

Madaxweynaha Dalka Faransiiska Emmanuel Macron oo ka hadlay Qadiyadda ku aaddan in Dalkiisa uu aqoonsado Dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya aanay waddankiisa mamnuuc ka ahayn arrintaas.

Emmanuel Macron ayaa hadalkaan ka sheegay Magaalada Paris ee caasimadda Dalka Faransiiska maadaama ay jiraan hadal-hayn badan oo ka dhalatay in la helo Dowlad la aqoonsan yahay oo Falastiin leedahay sida ay soo jeediyeen Dalal badan.

Macron ayaa carrabka ku adkeeyay in Faransiisku uu dhinac taagan yahay Falastiin & Israaiil oo ah labo Dowlad oo is dhinac taagan oo xuduud leh isla markaana dhinac weliba uu xushmad iyo qadarin uu u muujinayo dhanka kale sida uu yiri.

“Arrinta ku aaddan Aqoonsiga Dowlad Falastiini ah hadda ka ahan Faransiiska wax mamnuuc ah, Haddii Israaiil ay diido dedaallada kala duwan ee socda dabcan waxa aan go’aan ka gaari doonnaa mowqifkeenna ah in la helo labo Dowlad oo deris ah islamarkaana is xushmeeya oo ay leeyihiin Falastiiniyiinta & Israaiil” Ayuu yiri Emmanuel Macron, Madaxweynaha Faransiiska.

Dowladda Spain ayaa France uga horraysay mowqifkaan, halka Dalal badan oo Carbeed ay mar weliba ka dambeeyaan Dalalka kale ee reer galbeedka kuwaas oo u muuqda in ay u jiheenayaan hadba meesha ay u socdaan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed