MW Deni oo daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland

Arday gaaraysa 21,801 oo isugu jira fasalka 12-aad iyo fasalka 8-aad ee dugsiyada sare iyo dhexe ayaa maanta oo sabti ah u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goordhaweyd jaamacadda PSU ee magaalada Garowe ka daahfuray imtixaanka shahaadiga ah, iyada oo sannadkana ay ardaydu imtixaanka ku geleyaan xarumaha jaamacadaha.

Waxaa jirtay arday ka cabanaysay in laga joojiyey gelitaanka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad, waxaana maalin ka hor arrintaas go’aan ka soo saartay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland.

Wasaaradda ayaa go’aamisay in ardaydaasi aysan ka qaybgalin imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee sannad dugsiyeedka 2023 – 2024, iyo in ay dhameystirtaan waxbarashada sanad dugsiyeedka 2024-2025.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed