Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Puntland oo khudbado u jeedinaya Baarlamaanka

22 Musharax oo u taagan xilalka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Puntland ayaa maanta Baarlamaanka cusub ee 6aad u jeedinaya Khudbadahooda ay ku soo bandhigayaan waxqabadkood si ay u doortaan Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland

goor hore oo saaka ah ayaa inta badan Musharixiintu gaareen hoolka si ay ugu diyaar garooban Jadwalka ay Gudiga Doorashadu u asteeyeen hadal-jeedinta Musharixiinta xilka Madaxweyne ee Puntland .

Hadal-jeedinta Musharixiinta ee maanta ayaa ka dib laguda gali doona Ololihii ugu danbeeyay ee Doorashada madaama ay Berri tahay wakhtigii loo asteeyay Doorashada Madaxtooyada in la qabto

Musharixiin badan ayaa iskaga haray Tartanka Madaxtinimada Puntland kuwaas oo qaarkood sheegay in ay dhisayaan Musharax kale oo isdiiwaan-galiyay halka qaarkoodana aysan lahayn wax isbahaysi Siyaasadeed ah oo ay iyagu hoolka ku gali doonan iskood.

amniga Garowe ayaa aad loo adkeeyay waxaana goobaha kala duwan ee Magaalada gaar ahaan Hoolka Baarlamaanka ku arkaysaa ciidamo badan oo sugaya amniga .

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed