Midowga Afrika iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay nabadda dalal ay ku mid tahay Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa maanta magaalada Adis Ababa kulan gaar ah kula yeeshay Wafdi sare oo ka socday dowladda Sacuudiga, kuwaasi oo uu horkacayo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Eng. Waleed Elkhereiji.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xaaladda dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Liibiya, gaar ahaan sidii loo dhowri lahaa Madaxbannaanidooda iyo Midnimadooda.

Guddoomiye Maxamuud Cali Sacuudiga ku ammaanay dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida dalalka Soomaaliya, Suudaan, iyo Liibiya.

Dhankiisa, Eng. Waleed Elkhereiji ayaa xaqiijiyay inay Boqortooyada ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga ay la leedahay Midowga Afrika, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, nabadda, iyo diblomaasiyadda.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed