Maxkamadda Sare Kenya oo hor istaagtay in ciidamo Booliis ah oo loo dirayo dalka Haiti

Maxkamadda Sare Dalka Kenya ayaa Dowladda ka diiday in ciidamo Booliiska ay u dirto Dalka Rabshadaha badan ay ka dhacayaan isla markaana burcaddu ka awood badisay ciidamada Dowladdaas ee Haiti kaddib markii Xukuumadda Nairobi ay damacday in ay ciidankaas dirto.

Xaakimka ayaa ku dooday in ay arrintaan tahay mid sharci darro ah maadaama Golaha Ammaanka Qaranka uusan lahayn Awood sharci oo u fasaxaya in Ciidamo Booliis ah loo diro Dalkaan dhibaatooyinka la degeen ee Haiti.

Kenya ayaa horay ciidamo Militari ah ugu dirtay Haiti kuwaas oo howlgallo kala duwan kawada qaybo muhiim ah oo dalkaas ah oo ay ugu horrayso caasimadda si Hay’adaha Dowladdu ay u yeeshaan Awoodda ay u baahan yihiin.

Xukuumadda Haiti ayaa damacsan in ay awood ku maquuniso Kooxaha Burcadda ah halka sidoo kale ay rabto in loo tababaro Ciidamo dheeraad ah oo kaalmo u noqda ciidamada kale ee haatan jooga goobaha kooban ee Dalkaas.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed