Maraykanka oo beegsaday Saldhigyo ay leeyihiin Xuutiyiinta Yemen.

War kasoo baxay Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in weerarro is xig-xigay ay ku beegsadeen Yemen gaar ahaan Saldhigyo ay ku sugan yihiin Kooxaha Xuutiyiinta ah ee muddooyinkii dambe dagaallada adag kala hortagayay Isbahaysiga Maraykanka.

Talisku ma sheegin meel gaar ah oo howlgalkaas ka fuliyeen, khasaaraha ka dhashay dhinacooda iyo dhanka kale ay weerareen balse waxa uu tilmaamay in uu burburiyay diyaaradaha nooca duulliye la’aanta Drones, kuwa waxbasaasa & gantaallo diyaarsan.

Maraykanka ayaa intaas ku daray in gantaallada ay burburiyeen ay ahaayeen kuwa muddooyinkii dambe Xuutiyiintu ay ku garaacayeen dhinaca Deegaannada ay xoogga ku haysato Israaiil kuwaas oo khasaara naf & mid maaliyadeed gaystay.

Geesta kale, dagaal culus ayaa Badda Cas ku dhexmaray Ciidamo katirsan kuwa Badda Maraykanka iyo Xuutiyiinta oo xiligaas la sheegay in ay damacsanayeen weerar ay ku beegsanayeen Markab Ganacsi oo la shaacin halka laga leeyahay & meesha uu socday.

Maraykanka ayaa sheegay in uu dhulka loo dhigay diyaaradihii Xuutiyiinta ay weerarka ku fulinayeen kaddib markii ay is fara-saareen labada dhinac, Washington ma sheegin khasaaraha labada dhinac inta uu gaarsiisan yahay sidoo kale Xuutiyiintu kama hadlin.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed