Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaarey Asmara

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa gelinkii danbe ee maanta gaaray Magaalada Asmara halkaasi oo uu safar shaqo ku joogo.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara ku soo dhaweeyay dhigiisa dalkaasi, Isaias Afwerki.

Wasiirka Warfaafinta dalka Eretriya, Yemane G. Meskel ayaa xaqiijiyay in labada madaxweyne ay ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira gobolka Geeska Afrika.

Waa safarkii 8-aad ee Madaxweyne Xasan Shiikh uu ku tago dalka Eretariya, waxaana uu ku soo aadaya xilli heshiis ay gaareen dalalka Soomaaliya iyo Eretariya.

 

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed