Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay in Mareykanka uu jihaystay dhanka cadaabta

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in barnaamijka‘Golden Dome’ ee Maraykanka uu halis ugu jiro inuu sababo ‘dagaalka nukliyeerka hawada sare’

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhaleeceysay qorshaha Mareykanka ee mustaqbalka gantaalaha “Golden Dome” iyada oo sheegtay in uu ” horseedi karo in hawada sare ay noqto goob dagaal oo nukliyeer ah”.

Nidaamka difaaca, oo uu madaxweyne Donald Trump qorsheynayo inuu daaha ka rogo dhammaadka muddo xileedkiisa, ayaa looga golleeyahay ka hortagga gantaalada “jiilka soo socda” ee hanjabaadaha hawada ee Mareykanka, oo ay ku jiraan gantaallada ballistic-ga iyo kuwa cruise-ka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Pyongyang ayaa qorshahan ku tilmaantay “heerka ugu sarreeyo ee isla waynida”, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Waxa ay ku eedaysay Washington in ay dhanka “jahannamo u jeesatay… waxayna ka digtay in qorshuhu uu dhalin karo “tartanka hubka nukliyeerka caalamiga ah iyo hawada sare”.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed