Khasaare ka dhashay weeraradii Iiran ee dhulka Isra’iil

Ku dhawaad ​​10 qof ayaa ku dhaawacantay kadib weerarkii ugu dambeeyay ee gantaalada Iran, sida uu sheegay adeegga gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ee loo yaqaan Magen David Adom (MDA).

“Iyadoo la raacayo digniinta siirga cas ee la maqlay dhowrkii daqiiqo ee la soo dhaafay, MDA, farsamo yaqaannada caafimaadka degdega ah iyo kalkaaliyayaal caafimaad ayaa loo diray goobta gantaallada lagu garaacay,” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay X.

Waxaa intaa lagu daray i in dadka wax ku noqday weerarka ay qabaan dhaawacyo fudud ilaa kuwa dhexdhexaad ah.

Hal qof ayaa ku dilay weerarkii aargoosiga ahaa ee Iran sida laga soo xigtay warbaahinta Maraykanka.

Haweenay ayaa geeriyootay, afartan kalana waa ay ku dhaawacmeen gudaha Israa’iil, sida safiirka Israa’iil ee Maraykanku u sheegay CNN.

Dhimashada waxaa sidoo kale warisay New York Times, oo soo xigatay afahayenka booliska Israa’iil kaas oo sheegay in haweeneyda la dilay ay ku geeriyootay goobta uu shilku ka dhacay oo ku taalla xaafad ku dhow magaalada Tel Aviv, kaddib markii gantaal ay Iiraan ku garaacday deegaankaas habeenkii Jimcaha.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed