Khasaare ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay colombia

In ka badan 33 qof oo u badan caruur ayaa ku dhintay dhul go’ ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay waqooyi-galbeed ee Colombia, sida ay masuuliyiinta masuuliyiinta dalkaasi

“Aad ayaan uga xumahay dhimashada 33 qof ee ku dhintay masiibadan, oo u badan caruur, sida ay sheegayaan warbixinada hordhaca ah ee ka imaanaya,” Madaxweyne ku xigeenka Francia Marquez ayaa ku qortay barteeda bulshada ee X, Sabtidii.

“Waqtigan xaadirka ah, goobidda iyo samatabbixinta dadka ayaa sii socda “ ayay tiri.

Duufaanta iyo roobabkan, oo dhacday galabnimadii Jimcaha, ayaa xiray waddo isku xirta magaalooyinka Quibdo iyo Medellin ee gobolka Pacific ee Choco, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Dhibaatooyinka kale ee ka dhashay ayaa waxaa kamid ah in sidoo kale tobaneeyo qof ku dhaawacmeen mashquulka ka jira halkaas.

Koox gaar ah oo samatabbixin ah kana tirsan booliiska Colombia ayaa badbaadiyay dad ku xayirnaa dhul go’a halkaas ka dhacay iyo meydad.

Maamulka Medellin ayaa sheegay in subaxnimadii Sabtida 17 meyd ah la geeyay isbitaalada medellin, baarayaasha dambi baarista ayaa aqoonsaday saddex ka mid ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP. Lama shaacin magacyadooda.

Iyadoo ay jiraan dhowr waddo oo xiran, shaqaalaha gurmadka iyo dab-damiska ayaa ku dhibtooday inay gaaraan goobta ay musiibadu ka dhacday.

Sawirro laga soo qaaday laguna baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay in buur weyne soo duntay dhagaxyadii iyo ciidii waxay ku dul habsadeen dhowr baabuur oo marayay hareeraha waddada hoose ee daadku qaaday.

Waddada waxaa xiray Waaxda Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka ee Colombia (UNGRD).

Dhul go’ ka dhacay isla dalka Kolombiya bishii Diseembar 2022 ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 27 qof.

 

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed