Jarmalka oo maxkamadda ICJ loo soo taagey taageerada Israa’iil

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa maanta u fariisaneysa dhegeysiga dacwad ka dhan ah Jarmalka, taas oo la xiriirta taageerada u la garab-istaagey Israa’iil.

Dacwaddan oo uu soo gudbiyey dalka Nicaragua ee ku yaal Bartamaha Ameerika, ayaa Jarmalka u haysata in uu meel uga dhacay Axdiga Xasuuqa, ka dib markii dalkaasi hub u diray Isra’il, islamarkaana uu taageeradii dhaqaale ka jaray hay’adda QM ee u xilsaaran kaalmada Falastiiniyiinta ee UNRWA. Jarmalka wuu dafiray eedaha loo jeediyey.

Gal dacweedka ka furan maxkamadda ICJ ee fahigeedu yahay Hague, ayaa kaabeysa mid kale oo ay Koonfur Afrika soo oogtey, taas oo Isra’il u ku eedeeyey in ay xasuuq ka geysatay Qasa, balse eeddaas Israa’iil ay si kulul u beenisey.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed