Israel oo 19 Qof Ku Dishay Duqeyn Ay Ka Geysatay Gaza

Israa’iil ayaa taangiyo u dirtay bariga deegaanka Jabaaliya ee waqooyiga Marinka Gaza subaxnimadii hore ee Axaddii , ka dib markii habeenkii oo dhan ay duqeymo culcus oo cirka iyo dhulka ah ay ka fuliyeen aagaas.

Duqeynaha Israel waxaa ku dhintay 19 qof, waxaana ku dhaawacmay tobanaan kale, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Jabaaliya waxaa ku yaala xerada ugu weyn siddeedda xero qaxooti ee taariikhiga ah ee Gaza, waxaana ku nool in ka badan 100,000 oo qof, kuwaas oo intooda badan ka soo farcamay Falastiiniyiintii laga soo eryay magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka hadda loo yaqaan Israa’iil. intii lagu jiray dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1948-kii.

Gelinkii dambe ee Sabtidii, millatariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamada iyo taangiyada ay u direen Jabalia ay ka hortagayaan Xamaas, oo mar kale dib u soo celiso awooddeeda ciidan, oo ka Talisa Qaza.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed