Ilhaan Cumar & Duqa Minneapolis Oo Garab Istaag u Muujiyey Soomaalida Sharci la’aanta ku jooga Maraykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo dhawaan la kulantay Soomaalida sharci la’aanta ku jooga dalka Maraykanka ayaa u sheegtay  in aysan u hoggaansamin laanta socdaalka iyo canshuuraha, xilli hay’adaha dowladda federaalka Maraykanka ay sii wadaan ka hortagga socdaalka sharci darrada ah.

“Waxaan kula talinayaa dadka Soomaaliyeed in haddii ICE ay isku daydo inay su’aalo ku weydiiso, waajib kuguma aha inaad ka jawaabto su’aalahooda,” ayay tiri Ilhaan Cumar. “Kaliya sheeg in uu qareen kugula taliyay inaadan ka jawaabin su’aalaha. Shaacinta magacaaga, sharcigaaga socdaalka iyo qaabka aad ku soo gashay ma ahan mid khasab ah.

Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa u sheegay dadka sharci darrada ku jooga magaaladiisa inuu rabo inuu garab istaago, isagoo sheegay inay samayn doonaan wax kasta oo awooddooda ah si ay u caawiyaan muhaajiriinta.

“Xeerka soocidda ayaa si cad u qeexaya in mas’uuliyiinta magaalada, saraakiisha booliiska iyo kuwa kale, aysan ururin karin macluumaadka muujinaya cidda jirta iyo cidda aan la diiwaangelin,” ayuu yiri Duqa magaalada Minneapolis.

“Saraakiishayada booliisku lama shaqeyn doonaan sharci fulinta federaalka ee ku xeeran sharciga socdaalka federaalka, Waxaan ku xoojineynaa sharciyada gobolka iyo kuwa maxalliga ah halkan Minneapolis, waxaana sameyn doonaa sida ugu wanaagsan ee aan awoodno,” Frey ayaa sidaas ku daray.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo hey’adaha socdaalka ay ka hortagayaan socdaalka sharci darrada ah ee dalka oo dhan.

Xubnaha Jamhuuriga ayaa ku eedeeyay Ilhan Omar inay ka shaqeynayso sidii dadka sharci la’aanta ku jooga Maraykanka ay uga dhuuman lahaayeen hay’adaha socdaalka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed