Hargeysa: Xeerar muran badan dhaliyay oo la ansixiyay

Golaha Wakiillada maamulka Somaliland ayaa maanta ansixiyey xeerka doorashooyinka, kaas oo muran badan dhaliyay habraacii loo maray, sababtay in ay dib u dhacdo doorashada Xisbiyada iyo tan Madaxtooyada.

Kalfadhigii 16aad kulankiisii 7aad, ee Golaha Wakiiladda Somaliland uuna shirgudoominaayo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon, ayaa mudanaayshu Cod aqlabiyadda ku ansixiyeen Xeerarka Dooroshooyinka isku sidkan.

Gollaha oo ay ka soo xaadireen 73 xildhibaan ayaa xeer Lr.14 waxa sidii guurtidu ugu soo codaysay ku ogolaaday  59 xildhibaan,  halka Xeer lr. 91 sidii guurtidu ugu soo codaysay ay goluhuna ku ogolaadeen 58 xildhibaan.

Ansixinta xeerka doorashada ayaa guul ku tilmaamay xildhibaan Maxamed Abiib, isaga oo hoosta ka xarriiqay sii socoshada qodobada qaar ee ku jira xeerkan, iyadoo laga soo billaabo xilliyadii hore ee doorashada. Abiib waxa uu diiday sheegashada cusub ee ku saabsan qodobbada qaarkood, isaga oo caddaynaya joogitaankooda muddada dheer ee xeerarka doorashada ilaa 2000.

Si kastaba ha ahaatee xeerkan ayaa mucaaradad adag kala kulmay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo masuuliyiinta kale ee matala gobolka Awdal. Diidmadooda koowaad waxay ku salaysan tahay qodobka qeexaya in ururada siyaasadu ay xaqiijiyaan 20% wadarta codadka si ay u helaan mansab xisbi. Waxay u doodayaan in shuruudan wax laga beddelo si ay u noqoto qodob dheeri ah oo aan ahayn shuruudo aqoonsi.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed