Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.
Dagaalka ka dhacay degmada Baardheere waxaa ku dhintay guddoomiyihii arrimaha bulshada degmadaas ee dowladda Federaalka dhawaan ay u magacawday oo lagu magacaabo Maxamed Ilyaas Caagane.
Wararka ayaa intaasi ku daraya iney jiraan dhaawacyo kala gaaray askarta labada dhinac oo ay ku jiraan qaar ka mid ah saraakiisha kala hoggaamineysa labada ciidan.
Dagaalkaan khasaaraha kala duwan geystay ayaa imaanaya, iyadoo Shalay ciidamada maamulka Jubbaland ay la wareegeen gacan ku heynta xarunta maamulka degmada Baardheere oo gacanta ku hayeen mudooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Fedaraalka.