United Kingdom.
Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa weerarradaasi waxa ay yareeyaan khatarta barnaamijka nukliyeerka ee Iran. Iraanna marnaba looma ogolaan karo inay horumariso hub nukliyeer ah.
Oman,
waxay cambaareysay “falkan gardarrada iyo sharci-darrada ah” waxanna ku baaqeynaa in si degdeg ah oo dhameystiran loo dejiyo xiisadda.
Qatar.
xiisadaha khatarta ah ee ka dhashay weerarada Mareykanka waxay horseedi karaan “cawaaqib halis ah” oo saameeya heer goboleed iyo caalamka oo dhan.
Ciraaq
waxaan ka walaacsanahay oo aan canbaaraynaynaa weerarka lagu qaaday xarumaha nukliyeerka ee Iran, kororka dagaalka waxa uu khatar weyn ku yahay nabadda iyo amniga gobolka.
uba
Madaxweynaha Cuba, Miguel Díaz-Canel, waxaan si adag u cambaareeynayaa duqeynta uu Maraykanku fuliyay, waa xaalad halis ah iyo xadgudub weyn oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay. Weerarkani wuxuu aadanaha gelinayaa xaalad qalafsan oo ay dhibaatooyinkeeda noqon karaan kuwo aan laga soo kaban karin”.
Chile
Madaxweynaha Chile, Chile waxay si cad u cambaareyneysaa weerarkan Maraykanka,Inaad awood leedahay micnaheedu maaha inaad ku xadgudubto sharciyada ay aadanuhu isku raaceen. Xitaa haddii aad tahay Maraykanka. Ayuu intaa ku daray”
Mexico
waxaan ku baaqaybnaa wadahadal iyo xasilooni.“Anagoo ku dhagan mabaadi’deena dastuuriga ah ee siyaasadda arrimaha dibadda iyo mabda’a nabadeed ee dalka, waxaan mar kale ku celinaynaa baaqa lagu doonayo in la dejiyo xiisadda gobolka. Soo celinta wada noolaanshaha nabadeed ee dalalka gobolka waa mudnaanta ugu sarreysa,”
Venezuela
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Venezuela, Yván Gil, dalkaygu wuxuu si cad u cambaareynayo duqeynta ay ciidamada Maraykanka fuliyeen Iraan,
Hamas
Waxaan canbaaraynaynaa gardarada cad ee uu Maraykanku ku soo qaaday dhulka iyo madaxbanaanida Iran. Weerarka Mareykanku waa kicin khatar ah, waa adeecis indho la’aan ah oo lagu fulinayo ajandaha gumaysatada, sidoo kalena waa jebin cad oo lagu sameeyey sharciga caalamiga ah.”
Xuutiyiinta
Mareykanku isaga ayaa mas’uul ka noqon doono wixii ka dhasha ficilladiisa guracan ee uu ka wado Iraan